{DAAWO SAWIRADA} AMISOM Oo Tababar Siisay Barlamaanka Maamulka Galmudug

0
276

Tababar socday mudo shan cisho ah oo Amisom ay u Qabatay 89 xubnood oo Baarlamanka Galmudug oo ujeedadiisu aheed in lagu baro shaqada iyo waajibaadka saaranay ayaa Maalintii Shalay waxaa lagu soo gabgabeeyay Magaalada Muqdisho.

Tababarkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay howlgalka midowga Africa ee Somaliya (AMISOM), wuxuuna qeyb ka yahay waajibaadkooda dhinaca taageerada ee DFS oo ay ku aas aaseyso shuruucda iyo hormarinta siyaasada dalka.

Dhamaadka tababarka mudada halka Isbuuc socday ayeey sharci dajiyaasha cusubi waxaay hoosta ka xariiqeen in ay si wanaagsan u barteen shuruucda iyo kaalinta baarlamaanada iyagoo matalaaya dhinaca sharciga.

Waxaa si rasmi ah tababarka u soo xiray ku xigeenka wakiilka golaha midowga Africa ee Somaliya (DSRCC) Hon. Lydia Wanyoto, waxaana ay sheegtay tababarka Xildhibaanada Barlaman gobaledka uu wax badan ka tari karo in lagu guuleysto dhismaha maamul gobaledyada.

Xubin ka mid ah Baarlamanka Galmudug Ms. Boosteya Jama Ali, ayaa ku tilmaamtay tababarku in uu ahaa ku kooban Qibradsiinta Mudanaha waxaana ay intaa raacisay in ay ka heleen xirfado sida ay ku maareyn lahaayeen masuuliyada iyo wakiilnimada dadkooda.

“waxaan ahay xubin haweyn oo Baarlamaanka Galmudug ka mid ah waan ka faa,idnay Siminarka waa markii ugu horeysa ee anigoo mudane Baarlamaan ah aan wax badan ka barto dhinaca siyaasada waxaan aaminsanahay in aan ka faa,iday ugana faa,ideynka karo dadka aan baarlamaanka ugu jiro .

 

barlamaanka Galmudug