{DAAWO SAWIRADA} Boqolaal Shacab Careysn ah Oo Weerar ku Qaaday Safaarada Turkiga Ee Moscow

0
346

Boqolaal shacab u dhashay dalka Ruushka ayaa weerar ku qaaday Safaarada Turkiga ay ku leedahay magaalada Moscow Caasimada Ruushka.

Shacabkaani oo ka careysnaa talaabadii ay Dowlada Turkiga kusoo riday Diyaaradii dul heehaabeysay Hawada Turkiga, waxa ayna dhagxaan ku jajabsheen Muraayadihii Safaarada.

Shacabkaani ayaa buuxdhaafiyay afafka hore ee Safaarada, waxaana tiradooda xakameyn waayay Booliska Ruushka oo ay amar ka diideen.

Xarunta safaarada ayaa waxaa ka muuqday dhagxaan, iyo darbiyada oo ka muuqday calaamado muujinayay waxyaabihii lagu tuuray.

Shacabka ayaa sidoo kale ku qeylinaayay inay dadkooda kala soo baxayaan dalka Turkiga, waxa ayna Dowlada Moscow ugu baaqen inay xiriirka u jarto Dowlada Turkiga.