{DAAWO SAWIRADA} Dowlada Sacuudiga oo qabatay gasacyo Bebsi ah oo laga soo buuxiyay Qamriga halista ah

0
401

Ciidamada amaanka dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa gacanta ku dhigay kumanaan gasacyo Bebsi ah oo laga soo buuxiyay Qamriga nooca ugu halista badan.

Saraakiisha amaanka waxa ay xaqiijiyeen in tiro koob ay ku sameeyen gasacyadaasi ay ku ogaaden inay gaarayaan ilaa 48-kun oo qasacado bebsi oo khamri laga soo buuxiyay kuwaas oo la doonayay in dalka si dhuumaaleysi ah loogu faafiyo ka ganacsigiisa.

Ciidamada ayaa Qamrigaasi kala dagay gaari nooca xamuulka ah kadib markii ay xogtaasi usoo gudbiyeen sirdoonkooda.

Ciidamada ayaa la wareegay gabi ahaan gaariga, shaqaalihii la socday iyo dhamaan alaabtii saarneyd, waxaana looga fadhiyaa Boqortooyada Sacuudiga in dhaqaalahaasi ay ku rido xukun.