{DAAWO SAWIRADA} Gabar u dhalatay dalka India oo soo jiidatay indha Caalamka iyo Raja beel laga muujinaayo

0
437

Gabadhaani da’da yar ayaa waxaa alle nasiib uu uga dhigay in la kala garan waayo sankeeda, afkeeda iyo dhamaan wajigeeda kadib markii uu haleelay cudur aan la garaneynin waxa uu yahay.

Gabadhaani oo 21 sano jir ah ayaa waxaa magaceeda lagu sheegay Khadija Khatoon waxa ayna hadda tahay qof aan isaga is maamuli karin una baahan in la maamulo.

Dhalasho ahaan ayaa waxa ay kasoo jeeda dalka Mucjisooyinka ku caanka ah ee India, waxa uu muuqaalkeeda argagax ku abuuray reerkeeda, kadib markii ay sheegen in marba marka xigta uu kasii daraayo ilaa ay gaartay in indhaheeda ay wax ku arki weyso.

Dhaqaatiirta waxay sheegeen in waxani ay u maleynayaan inay yihiin buro ku faaftay gabadha jirkeeda qeybo ka mid ah taasoo meel xun gaartay.mu3