{DAAWO SAWIRADA} Godoomiyaha Gobolka Hiiraan Oo Shegay In Xeradii Daraawiishta Laga Hirgilinayo Xaruma Ganacsi

0
441
DCIM101MEDIA

Guudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdifataax Xassan Afrax iyo Xubno ka Tirsan Maamulka Gobolka iyo Saraakiisha Ciidanka dowlada ayaa maanta kormeeray Xeradii daraawiishta iyo iskuulka Mujamac ee Magalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan,

Guudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Xubnaha la socday ayaa Booqday iskuulka Mujamac iyago kormeeray dhamaan qeybaha uu ka kooban yahay iskuulkan waxaan ay warbixin ka dhageysteen Maamulka iskuulka oo ku saabsan   qabka ay u socoto waxbarashada islamarkana kulan la qaatay Maamulka iskuulka Mujamac   iyo Macalimiinta wax ka dhiga iskuulka iyago ka wada hadley qabka ay u socoto waxbarashada iskuulkan.

Guudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdifataax Xassan ayaa sheegay in uu ka mid ah Ardeydii ka baxday iskuulka Mujamac islamarkana uu macalin ka noqday isago balan qaaday in u ka qeyb qadan doono dhismayaal Cusub oo lagu soo kordhinayo iskuulka Majamac,

Dhanka kale Guudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdifataax Xassan Afrax iyo Xubno ka Tirsan Maamulka Gobolka, ayaa kormeeray Xeradii Ciidanka Daraawiishta oo laga Hirgalinayo Goobo Ganacsi.

Guudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdifataax Xassan Afrax ayaa sheegay in Madaxda ugu sareysa dowlada dhexe ee Soomaliya sida Madaxweynaha Soomaliya Xassan sheikh Maxamuud Ra’iisal wasaraha Xukumadda Cumar Cabdirashiid Cali sharmarke ay og yihiin in Xeradii Ciidanka Daraawiisha ee Magaalada Baladweyne laga dhigo Goobo ganacsi islamarkana loogu magac daray Allaha unaxariiste  Wasiirkii Aminga Qaranka Cumar Xaashi Aadan oo ku geeriyooday Qarax  2009-kii ka dhacay Magaalada Baladweyne.

 

Nabadoon shuuriye Xuseen Xaayow oo warbaahinta kula hadlay Gudaha Xeradii Ciidanka Daraawiishta ee Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in   ay soo dhaweynayan in Xeradii Daraawiisha laga hirgaliyo Goobo ganacsi islamarkaan ay kaalin ka qaadaneyso horumarka iyo soo celinta bilicda Magaalada Baladweyne,

Ugu dambeyntii Guudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdifataax Xassan Afrax ayaa sheegay in ay jiran dad u arka in Guudoomiyaha Gobolka Hiiraan uu gadanayo Xeradii Ciidanka Daraawiishta laakin   Madaxda dalka ay ka war qabadan islamarkana loogu talo galay in Xeradka loo badalo Goobo Ganacsi islamarkana ay ka qeyb qadaneyso Bilicda Magalaada Beledweyne,

Hiiraanxog.com

kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (2)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (3)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (4)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (5)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (6)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (7)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (8)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (9)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (10)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (11)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (12)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (13)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (14)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (15)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (16)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (17)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (18)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (19)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (20)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (21)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (22)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (23)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (24)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (25)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (26)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (27)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (28)kormeerka Guudoomiyaha Hiiraanxog (29)