{DAAWO SAWIRADA} Maamulka Gobolka Sh/dhexe oo Kormeeray Dayactirka Garoonka Diyaaradaha Jowhar

0
284

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehliyaan Masuuliyiinta Maamulka Gobolka ayaa maanta kormeeray Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/dhexe oo ay ka socoto howlo shaqo oo dib loogu howlgalinayo Garoonkaasi.

Horaanta Todobaadkaan ayaa Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa dhagax dhigay Garoonka Diyaaradaha oo mudo bur bursanaa,islamarkaana la doonayo in dib loo howlgeliyo si ay u isticmaalaan diyaaradaha soo gaaraya Gobollka gaar ahaan magaalada Jowhar.

Dayactirkan oo isugu jira labo qeybood mid lagu sameynayo dhabaha ay diyaaradaha ka haadaan kana soo degeen iyo mid kale oo ah dhismaha xafiisyada iyo Qoolka soo dhoweynta sida uu Warbaahinta u sheegay Daa’uud Xaaji Ciro oo ah Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Sh/dhexe ayaa dadaal ugu jira sidii loo soo celin lahaa kaabayaasha dhaqaale ee Gobolka,wuxuuna Gudoomiye Guudlaawe horay isbedel muuqda uga sameeyay Hormarka Gobolka iyo dib u howlgelinta xarumaha muhiimka ee maamulkaasi.

Bulshada Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa soo dhaweeyay Howlaha muuqda ee uu hayo maamulka uu Hormuudka u yahay Gudoomiye Cali C/llaahi Xuseen Cali Guudlaawe.