{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Galmudug Oo Kulan La Qaatay Madaxda Itoobiya

0
445

Dowlada Itoobiya ayaa sida aan Wararka ku heleyno waxa ay u yeertay kuna casuuntay Magaalada Adis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed.

Madaxweynaha Glamudug iyo Wafdi uu hogaaminayay ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaaalda Adis Ababa, waxa uuna halkaasi Mr Guuleed kula kulmay Madax katitsan Dowlada Itoobiya uu ugu horeeyo Wasiirka Arimaha Dibada Dalkaasi Tedros Adhanom.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhanom ayaa sheegay inay Itoobiya muhiimad gaar ah u leedahay dowlad goboleedka Galmudug, waxuuna sheegay inay aad u soo dhaweynayaan booqashada markii ugu horeysay Madaxweyne Guuleed ku yimid dalka Itoobiya.

Madaxwenaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa isna sheegay inuu kulankani ahaa mid si weyn labada dhinac isku afgarteen laguna gorfeeyay xoojinta xiriirka labada dhinac gaar ahaan Ammaanka iyo Ganacsiga.

Dowlada Itoobiya ayaa Xariir gaar ah waxaay la leedahay Maamul Goboleedyada Dalka Soomaaliya ka jira, waxaana Magaalada Adis Ababa looga yeeraa amarana laga soo faraa Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa markiisii ugu horeeyay looga yeeray safarna ku tagay Magaalada Adis Ababa, si dhab ahna looma oga waxyaabaha gaarka ah ay Madaxda Itoobiya kala hadleen Madaxweynaha Galmudug.

Ciidamada Itoobiya ee jooga Gobolka Galgaduud ayaana wada shaqeyn la laheyn maamulka Galmudug waxa ayna taasi badalkeeda Ciidamada Itoobiya xariir hoose ka dhaxeeyaa Kooxda Ahlu Sunna oo kasoo horjeeda Maamulka Galmudug.