Munaasabad oo aheyd mid lagu daah furayay masruuc loogu talo galay in lagu maal giliyo dhalinyarada soomaaliyeed kaas oo ah mid shaqo abuur loogu sameynayo dhalinyarada shaqo la laanta ah ayna soo kordhisay xawaalada kaah
Furitaanka mashruucaan ayaa waxa kazoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan beledweyne ururada bulshada rayidka ah dhalinyaro marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadaa
Ugu horeyn waxaa munaasabada ka hadlay xiireey sheikh cabdi oo ah madaxa shirkada kaah ee gobolka hiiran waxa uu ka hadalay faa’idada uu u leeyahay masruucaan KIMS dhalinyarada gobolka hiiraan ee shaqo la’aanta waxana uu tilmaamay in mashruucan horay looga soo sameyay maamulada puntland iyo Somaliland taas oo dhalinyaro badan oo soomaliyeedna ay ka faa’ideeysteen waxana uub tilmaamay in haatan koofurta iyo bartamaha soomaaliya lagu baraarin doono taas oo ay u horeyso beledweyne .
Waaxaa kale oo munaasabada ka hadlay gudoomiyaha ururka dhalinyarada gobolka hiiraan maxamad c\llahi buraale oo soo dhaweeyay masruucan ay shirkada kaah ugu tala gashay in shaqo abuur iyo maalgilin toos ah loogu sameeyo dhalinyarada ku dhaqan gobolka waxana uu ugu baaqay dhalin yarada in ay ka faa’ideeystaan.
Waxaa sidookale goobta ka hadlay dhalinyaro odayaal dhaqameed iyo ganacsatada gobolka iyagoona si wada jira u soo dhaweeyay masruucan waxana ay u mahad celiyeen masuuliyiinta shirkada kaah.
Masruucan ayaa loogu tala galay in ay ka faa’ideeystaan dhalinyarada da,doodu u dhaxeeyo 18-35 jir sida ay sheegeen masuuliyiinta shirkada kaah.
Quraa adaan cabdi axmed xuseen
Sawir qaade cabdi axmed xuseen