{DAAWO SAWIRaDA} Odayaal Waxgarad Iyo Qurbajog Ka so Jedo G/Hiiraan Oo Sharuud Ku Xiray Isku Darka Gobalada Hiran Iyo Sh/Dhexe

0
354

Kulankan oo ka qabsoomay hoolka shirarka dib u heshiisiinta iyo aaya ka talinta ee Magaalada B/weyne waxa looga hadlayay arimaha maamul usameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo ay Xukuumada Soomaaliya wado dadaala la doonaya in lagu dhiso Maamul ay yeshaan Gobaladaasi.

Odayaal waxgarad iyo Qurba jog kulanka soo qaban qaabiyay waxa ay si qota dher kaga hadlen isku darka Hiiraan iyo Sh/Dhexe iyago si cad u shegay in Gogasha shirka maamul usameynta ay ka fidsan tahay B/weyne isla Magaala Madaxda maamul Gobaledkana noqoneysa Xarunta Gobalka Hiiraan ee B.weyne.

Xumnihii klulanka ka qeyb galay ayaa shegay in aysan ka qeyb gali dooninin dhismaha maamulkaasi hadii ay dowlada ka dhaga adegto go’aamada ka soo baxaya Bulshada reer Hiiraan iyo Balan qaadyadii horay ugu sameysay dadka ka qeyb galayay shirka dib u heshiisiinta ee mudada Sideda bilod ka socday Degmada B/weyne.

Maalmihii Lasoo dhaafay magaalada Baledweyne ee xarunta Gobalka hiiraan waxa ka socday shirar looga arinsanayay arimaha maamul usameynta Gobalada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe oo u diyaar garowgiisa siweyn looga daremaya B/weyne.

Kulanka Odayaasha (1) Kulanka Odayaasha (2) Kulanka Odayaasha (3) Kulanka Odayaasha (4) Kulanka Odayaasha (5) Kulanka Odayaasha (6) Kulanka Odayaasha (7) Kulanka Odayaasha (8) Kulanka Odayaasha (9) Kulanka Odayaasha (10) Kulanka Odayaasha (11) Kulanka Odayaasha (12) Kulanka Odayaasha (13) Kulanka Odayaasha (14)