{DAAWO SAWIRADA} Odoyaasha Dhaqanka iyo qurba joogta reer hiiraan oo ka hadlay arimaha maamul usameynta hiiraan iyo shabeelada dhaxe gu’aane kasoo saaray

0
536

Xili maalamhii lasoo dhaafay ay magalada beledweyne kasocdeen kulamo gooni gooni ah oo looga tashanayo ayaha gobolka hiiraan  ayaa maanta kulan ay isugu yimaadeed wax garad odayaal dhaqameed qurba joog waxa ay kaga hadleen kulankooda arimaha maamul u sameynta hiiraan iyo shabeelaha dhexe.

Xumnihii kulanka ka hadlay waxa ay sheegeeen in gogosha maamul u sameynta  ay  taalo beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan waxana ay dhaliileen wax qabadka xildhibanada baarlamaanka somaliye ee  matala gobolka hiiraan.

Sidookale waxgarkan ayaa ugu baaqay dowlada soomaaliya in ay dhex dhexaad ka ahaato arimahan oo aney iska hor keenin bulshada  dagto gobolada hiiraan iyo dhabeelada dhaxe loona daayo in ay ka tashtaan aayahooda

Ugu Dambeyn waxa kulanka ka hadlay Gudoomiyaha Qurba joogt Rer hiiraan Tawane Sabriye waxa uuna sheegey in gudusha ay taalo magaalada beledweyne in ka badan 8 bilood

Gudoomiyaha Qurba joogt Rer hiiraan ayaa sidoo kale sheegey in aysan dadka reer hiiraan marbana on golaan doonin in shirka lagu qabto meel ka baxsan magaalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan waxa uuna ugu baaqay dhamaan bulshada reer hiiraan in ay ka tashtaan aayaha gobolka hiiraan.

DSC01998 DSC02000 DSC02002 DSC02003 DSC02006 DSC02011 DSC02012 DSC02015 DSC02016 DSC02017 DSC02018