{DAAWO SAWIRADA} Qaabka ay Madowga ku nool dalka Mareykanka u dhigeen Dibadbixii qalqal galinta abuuray

0
339

Dibadbaxayaal afrikaan ah ayaa isugu soo baxay magaalada Chikago kaasi oo looga soo horjeeday dilka ay ciidanka ku hayaan dadka madow ee Ameerikaanka ah.

Dibadbaxa ayaa waxaa u badnaa Madow, waxaana sidoo kale meesha ka muuqday dad Cadan ah kuwaasi oo Afrikaanka garab ku siinaayay sida loogu joojin lahaa dilalka aan la garaneynin waxa uu salka ku hayo.

Dilalka dadkaasi Madaw loo geysto ayaa waxaa fuliya Boliiska kuwaasoo dhowr mar oo is xig xiga dilay dhalinyaro Madow Mareykanka ah.

Dibadbaxaani ayaa ka danbeysay kadib markii la baahiyay muuqaalka dilka Wiil Madow ah kaasi oo si xun loo dilay.

Dilka lagu soo bandhigay muuqaalka ayaa waxa uu dhacay sanadkii 2014-kii kaasoo loo geystay Laquan McDonald oo 17 sano jir madow Ameerikaan ah.

Ciidamada kusoo baxay dibad-baxa ayaa xiray qaar kamid ah dibad-baxayaasha oo la rumeysan yahay in inta uu socday ay ku kaceen falal lagu qalqal galinaayay amaanka.