{DAAWO SAWIRADA} Ruushka Oo Gantaalada Lidka Diyaaradaha Geeyay Xadka Udhaxeya Turkiga iyo Siiriya

0
548

Dowlada Ruushka ayaa u muuqata wali in ay si weyn uga careesan tahay Diyaaradeeda Dagaal ay dhawaan soo rideen Ciidamada Cirka Turkiga, waxaana Ruushka ay Gantaalo casri ah gaar ahaan kuwa loogu tala galay in Diyaaradaha soo ridaan ay soo dhigtay xadka ay wadaaaan Siiriya iyo Turkiga.

Gantaalo casri ah oo nuuceedu yahay S-400 oo gaari kara qiyaastii ilaa 250-mile, gaar ahaan diyaaradaha hawada maraya illaa 60,000 ft, ayaa Ruushku waxa ay soo dhigeen Xadka ay Wadaagaan Siiriya iyo Turkiga gaar ahaan Xerada Ciidamada Latakia.

Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in Dowlada Ruushka ay gantaaladan dhigtay goobo kale oo ku dhaw xadka Dalka Turkiga, waxa ayna arintan ka dambeysay markii dhawaan Diyaaradaha dagaalka Turkiga ay dhulka soo dhigeen diyaarad dagaal oo Ruushka laga lahaa.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa horey ugu hanjabay in cawaaqib xumo ay ka dhalan karto Diyaarada ay Dowlada Turkigu soo rideen, mana sheegin Madaxweynaha cawaaqibka ka dhalan kara arintaasi nuuca ay tahay.

Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo in xaalada Siyaasadeed ee ka dhax aloosan Dowladaha Turkiga iyo Ruushka ay faraha ka baxdo, waxaana Qaramada Midoobay iyo Gaashaanbuurta NATO ugu baaqeyn labada Dowladooda in xaalada la dajiyo.

Dowlada Turkiga ayaa horey u sheegtay in Diyaarada ay soo rideen ay kuoo xafgudubtay hawadooda, waxaana tilaabada Turkigu qaaday soo dhaweeyay qaar kamid ah Dowladaha waa weyn ee Caalamka sida Mareykanka iyo Ingiriiska.