{DAAWO SAWIRADA} Shirkii Dib u Heshiisiin ee kasocday Magaalada Jowhar oo maanta lasoo gabagabeeyay

0
502

Waxaa maanta Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhaxe lagu soo gabagabeeyay Shir dib u heshiisiin ah oo Magaaladaasi uga socday Beelo walaalo ah oo halkaasi wada degan horeyna ay u dhax mareen dagaalo.

Shirkaan dib uheeshiineed oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka Gobolka S/Dhexe iyo Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa odayaasha dhaqanka beelaha xurgufta dhex martay, gudi loo xilsaaray dhameystirka heshiiska nabadeed xubno kasocday Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka iyo masuuliyiinta maamulka Gobolka Sh/Dhexe iyo kan degmada jowhar.

Shiiq Max,uud Sheekh Yuusuf oo kamid ah xubnihii loo xilsaray dhameystirka heshiiska oo qudbad kasoo jeediyay shirka ayaa sheegay in loo dhanyahay arimahaan dib uheshiisiinta oo manta lagu soo gabagabeeyay Jowhar ayna jiraan warqado lakala saxiixday loona gudbinayo wasaarada arimaha gudaha.

C/risaaq Cumar Bood oo ah lataliyaha gudoomiyaha G/Sh/dhexe oo qudbad dhaxalgal ah kasoo jeediyay madasha ayaa ugu hambalyeeyay sida quruxda badan oo ay isugu tanaasuleen beelaha walaalaha ah ee wadadega gobolka.

Agaasimaha dib u heshiisiinta ee wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka ee xukuumada Soomaaliya Daahir Warsame Fiidoow oo isna madasha kahadlay ayaa sheegay In uu illaah ufududeeyay dhameystirka heshiiskaan beelaha walaalaha ah ayna geyn doonaan wasaarada wixii leysku afgartay.

Gabagabadii ayaa waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiye kuxigeenka G/sh/dhexe ee dhinaca dib uheshiisiinta iyo arimaha federaalka Sheikh Abuukar Xasan Cali, waxa uuna ugu baaqay dhamaan beelaha dega gobolka in ay ka shaqeeyaan nabada iyo isdhexgalka bulshada.

Shirkaan nabadeynta ayaa waxaa furay 16-kii bishaan xubno ka socday labada Golle ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ,shirkan ayaana imaanaya xili la rajeenayo in dhawaan Jowhar uu ka furmo Shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhaxe.