{DAAWO SAWIRADA} Sida Uu Dagaalka U Burburiyay Magalada Gaalkacyo Iyo Qasaraha dadka Oo Kordhay

0
587

 

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo ee u dhexeeya Ciidamada labada dhinac.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu wali socdo, islamarkaana ay maqlayaan guuxa rasaasta iyo madaafiicda.

19 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen dagaalka halka dad gaadhaya 25 ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka oo markii hore ku bilowday madaafiic la isweydaarsaday ayaad dib ka kulaaladay iyadoo lagu soo waramayo in hada dagaalku kasocdo dhanka Koonfur galbeed ee magaalada Gaalkacyo banaankana la iskula baxay.

Hugunka Madaafiicda ayaa la maqlayaa waxaana wali ana la xaqiijin guud ahaan khasaaraha dagaalka, iyadoona isbitalada Koonfurta iyo waqooyiga la dhigay dad kala duwan oo qaba dhaawacyo.

Ciidamada labada dhinac ayaa wali is horfadhiya waxaana goobta ka maqan Odayaasha labada dhinac ee xalka ku jiray.

Maamulada uu dagaalka u dhexeeyo ayaan si dhab ah wali u cadeynin tirada Ciidamada ee dagaalka uga kala dhintay.

Xaalada ayaa wali ah mid cakiran waxaana waqti waliba suuraga ah in Ciidamada labada dhinac ay caawa saqdhexe isku siqaan.

 

 

Gaalkacyo-3

259

Gaalkacyo-5  Dagaalka-Gaalkacyo-5 Dagaalka-Gaalkacyo-9  Gaalkacyo-1