{DAAWO SAWIRADA} Toogasho ka dhacday Gobol kuyaala Dalka Mareykanka

0
297

Nin hubeesan ayaa weerar ku qaaday xarun deggan yihiin hay’add ka shaqaysa daryeelka caafimaadka haweenka iyo qoyska ee lagu magacaabo Planned Parenthood, waxa uuna Weerarkaasi ku dilay dhoor qof oo xarunta kusugnaa.

Inta la xaqiijiyay Sadax qof ayaa ku dhintay rasaas uu furay ninka hubeesan ee weeraray xarunta Caafimaad, dadka dhintay ayaa labo kamid ah waxa ay ahaayeen dad shacab ah oo xarunta ku sugnaa halka ruuxa kalana uu ahaa Sargaal katirsanaa Ciidamada booliiska.

Weerarkan ayaa socday ku dhawaad shan saacadood oo xariir ah, Ciidamada booliiska oo isku gadaamay xarunta la weeraray ayaa ugu dambeyn ku guuleestay in ay gacanta ku dhigaan ninka hubeesan ee toogashada geestay.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay inay ku hawlan yihiin inay dhismahaasi ka nadiifiyaan inaanay ku sugnayn walxo kuwa qarxa ah. Waxay sheegeen in la aamisan yahay in ninkaasi uu agab la galay dhismaha ay ka mid yihiin taangi gaas ku jiro iyo agab kale oo ku jira boorso.

Xarunta Caafimaad ee la weeraray ayaa ah xarun ay dadku ku kala argti duwan yihiin waxa ay qabato , qeybo kamid ah xaruntaasi ayaa la sheegayaa in ay qabtaan howlo la xariira in Hooyooyinka uurka leh ilmaha loogas oo rido, waxa ay sidoo kale xarntaasi bixisaa adeegyo caafimaad oo kala duwan