{DAAWO SAWIRADA} Werar Sababay Qasaaro Xogan Oo ka Dhacay Dalka Mareykanka

0
332

Is-rasaaseyn qasaaro sababtay ayaa ka dhacday Goob Fagaare ah oo filim iyo heeso lagu duubay oo kutaala Magaalada New Orleans ee Koonfurta Dalka Mareykanka.

Inta la xaqiijiyay 16-qof oo shacab ah oo goobtasai ku sugnaa ayaa ku dhaawacmay Is-rasaaseyn dhax martay kooxo burcad ah , waxaana dagaalka kadib goobtasai isaga ºsaday kooxihii Is-rasaaseeyay.

Dadka ku dhaawcmay is-rasaaseynta ayaa dhamaan ahaa dad daawsho u yimid goobta lagu duubayay filinka iyo heesaha, waxaana meesha mar qura ka dhacay argagax iyo kala orod.

Ciidamada amanka ayaa wada baraitanao lagu ogaanayo kooxihii halkaasi ku dagaalamay, waxaana dadka ku dhaawacmay Is-rasaaseynta hada lagu daweenaya agoobo cafaimaad oo kuyaala Magaalada New Orleans.