{DAAWO SAWIRADA} Xijaabka oo laga mabnuucay Gobol caan ah oo loo Dalxiis tagi jiray kuna yaal Yurub

0
546

Mid ka mid ah gobolada ugu caansan Qaarada Yurub ayaa waxaa si toos ah looga mabnuucay xijaabka indha-shareerka waxaana dumarkii soo xirto ama amarkaas jabiya lagu ganaaxi doonaa aduun gaaraya 9.200 oo Euro.

Gobolka Tesssin oo ku yaal wadanka Switzerland aadna ugu wanaagsan dhanka dalxiiska ayaa soo rogay sharcigaan cusub waxaana gobolkaan looga hadlaa luuqada afka Talyaaniga . Magaalooyinka ugu caansan qaarada Yurub ee loo dalxiis tago ayaa gobolkaan ku yaala waxaana ka mid ah Lugano iyo Bellinzona .