{DAAWO SAWIRADA}Isku Shaandheyn Iyo Xubno Cusub Oo Maamulka Gobolka Banaadir Lagu Soo Kordhinayo

0
399
?

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in isku shaandheyn wax ka bedel lagu sameyn doono maamulka gobolka Banaadir gaar ahaan guddoomiye ku xigeenada iyo guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Iyadoo shalay uu si rasmi ah ula wareegay guddoomiyanimada iyo duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xasan Jimcaale ayuu dhowaan wadatashiyo la sameeyay guddoomiyaha cusub qeybaha kala duwan ee bulshada waxaa suurtogal ah in dhammaan boosaskooda ay waayaan mas’uuliyiin ka mid ah maamulka gobolka Banaadir.

Inta badan beelaha dega gobolka Banaadir ayaa gudbiyay musharixiin Beesha Murusade oo Gobolka Banaadir ku leh Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gobalka ayaa gudbisay Musharxiin dhoor ah oo la filayo in midkood badal u noqdo Gudoomiye kuxigeenka hada xilka haya hadii uu isbadalku saameeyo.

Musharixiinta Beesha Murusade gudbiyeen ayna la doonayaan Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ugu cad cad lana saadaalinayaa in uu kusoo bixi doono Cabdi raxmaan Macalin Xuseen oo kamid ah dhalinyarada aqoonta leh oo muddo dheer ku noolaa Magaalada London ee Dalka Ingiriiska waxana uu wax ku soo bartay wadamada Masar iyo Sudan.

Cabdi Raxmaan Macalin Xuseen ayaa inta badan Xildhibaanada Beesha Murusade iyo waxgaradka Beeshaasi ay isku raaceen in uu buuxin karo booska Gudoomiye kuxigeenka Gobolka hadii uu isbadalku saameeyo Gudoomiye kuxigeenka hada sii shaqeenaya.
Sidoo kale beelaha kale ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in wax loogaga bedelo maamulka gobolka Banaadir iyadoo haatan la doonayo in dhiig cusub la geliyo maamulka gobolka.

gudomiye xigen (5)

gudomiye xigen (4)

gudomiye xigen (3)

gudomiye xigen (2)gudomiye xigen (1)