{Daawo Sawirrada}Magaalada Brussles Oo Xaalad Feejigan La Geliyay Iyo Ciidamo Lagu Soo Daadiyay

0
342

Dowladda Belgium ayaa heegan gelisay ciidamadeeda, kadib markii ay ka war heshay weeraro argagixiso oo ay suura gal tahay inuu ka dhaco goobo kala duwan oo ku yaalla Caasimada dalkaas.

Ciidamo fara badan ayaa lagu arkay goobaha dhulka hoostiisa ee laga raaco tareenada ee magaalada Brussles, waxaana ay xirnaanayaan goobahaas ilaa maalinta axada, maadaama ay suura gal tahay in weeraro ka dhacaan.

Gawaarida gaashaaman ee ciidamada ayaa lagu arkay bartamaha magaalada, meelaha laga dukaameysto iyo goobaha loo dalxiis tago oo ay dadka ku badna yihiin.

Mid ka mid ah dadka la raadinayay Saleh Abdelsam ayaa wali laga baadigoobayaa gudaha Belgium oo uu dib ugu soo laabtay, kadib markii weerarada ay ka dhaceen magaalada Paris.

Howl galada ayaa ahaa kuwo xiriir ah, waxaana degmada Molenbeek ka mid aheyd goobaha ay ciidamada dad lagu tuhmayo weeraradii Paris ka qab qabtee, waxaana deegaankaas ku noolaa qaar ka mid ah kooxihii fuliyay weerarkii Paris

Hey’addaha ammaanka Belgium ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo weeraro argagixiso, waxaana Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Charles Michel uu ugu baaqay dadka rayidka ah inay aysan argagixin oo ay is dejiyaan.

Ra’iisul Wasaaraha Belgium Charles Michel ayaa sheegay inuu jiro halista weeraro la mid ah kii Paris, isla markaana ay jirto qatar ah in kooxo argagixiso ay adeegsadaan qaraxyo iyo hub goobo kala duwan oo ku yaalla dalka.

Illaa iyo hadda saddex ruux ayaa loo xiray inay ku lug leeyihiin weerarada, waxaana si aad ah ammaankooda loo xoojiyay goobaha dadka isugu yimaadaan, waxaana la baajiyay ciyaaro dhici lahaa.

Qaar ka mid ah dadkii ka dambeeyay weeraradii Paris ayaa ka soo jeeda dalka Belgium, waxaana Mas’uuliyiinta Faransiiska ay aaminsan yihiin in weerarka dalkooda lagu soo qaaday in laga abaabulay Belgium.

Tan iyo weerarkii Paris ee todobaadkii hore dalalka Yurub ayaa heegan geliyay ammaanka, iyagoo sare u qaaday feejignaantooda weeraro argagixiso oo ay suura gal tahay inay Kooxda Daacish ka geystaan dalalkooda.

gel (1)gel (2)gel (3)gel (4)gel (5)gel (6)gel (7)belbelgium