Deg deg weerar ismiidamin ah oo ka dhacay hotel saxafi iyo dagaalka hada ka socdo

0
466

Waxaa Goordhaw dagaalyahano hubeesan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ay gudaha galeen lana wareegeen Dhismaha Hotelka Saxafi oo kuyaala Isgooska KM-4 ee Magaalada Muqdisho.

Weerarka Hotelka lag qaaday ayaa ku bilowday qaraxyo Ismiidaamin ah oo ka dhacay afaafka hore ee Hoteelkaasi ,waxaana kadib Hotelka gudaha u galay dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al-Shabaab kuwaa oo ka dagaalamaya adhismaha Hoteelka.

Rasaas ayaa laga dhax maqlayaa Gudaha Hotelka Saxafi, waxaana aad u adag in la ogaado waxa Dhismaha hotelka kasocda, Ciidamaa Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaana gaaray Hotelka la weeraray.

Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdiso waxaa dagan Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale, lamana oga ilaa hada cida ku dhimatay iyo kuwa ku dhaawacmay Weerarkan saakay aroor hore Hotelka Saxafi lagu galay