Dowlada Kenya oo riyo maalmeed ku sheegtay wararka sheegaaya in lagu xadgudbay xadka Somalia

0
256

Wararka laga helaayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in kulan ay wada qaaten Madaxda Dowlada Kenya ay ku qaadaceen in dib looga laabto dhismaha darbiga weyn ee laga dhisaayo xadka Somalia kala dhexeeya Kenya.

Dowlada Kenya ayaa ku doodeysa in dhismaha darbigaasi uu yahay mid sharci ah, islamarkaana Dowlada Somalia ay kasoo horjeedo taabagalinta Siyaasada Kenya ee ku aadan dhismaha Darbiga.

Wasiirka arimaha Gudaha Kenya Joseph Nkaissery ayaa sheegay in dhismaha darbiga uu yahay mid looga hortagaayo Xoogaga Alshabaab, balse uusan jirin xadgudub gaar ah oo lagu sameynaayo dhulka Soomaaliya.

Waxa uu Wasiirka ku nuux-nuuxsaday in Kenya ay diyaar u tahay in Dowlada Somalia ay kala xaajooto darbiga, balse ay u muuqaneyso inuusan is bedel ku imaan doonin go’aanka ay darbiga ku dhisayaan.

Dowlada Kenya oo xadgudub muuqda kusoo sameysay Soomaaliya ayaa mooda inay ku saxan tahay xadgudubkeeda, waxaana la filayaa in labada dowladood ay arinkaasi kawada doodaan.