Dowlada Kenya Oo Sheegtay in ay Bur Burisay Saldhigyo Al-shabaab

0
385

Saraakiisha hogaaminaysa Howlgalka la doonayo in dagaalyahano daacad u ah Xarakada Al-shabab oo dhaq dhaqaaqyo kawada keynta ku dhirirsan xadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya ayaa sheegay in ay bur buriyeen 5-saldhig ay kooxda ku lahayd keentaasi.

James Ole Serian oo hogaaminaya howlgalka ayaa sheegay in dagaalyahanada kale ee ku jira keynta Boni ay bilaabeen in ay ka bxsadaan kadib markii la bilabay howlgalka keynta looga sifeenayo kooxdaasi laba bil ka hor.

James Ole Serian ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay xireen xubin ka tirsan Al-shabab waxana la horgeyn doona maxkamad.

Sarkaalkaasi waxa uu hadalkiisa intaa ku daray in aysan ka baxayn keynta Boni ilaa iyo ay ka sifeeyeen dagaalyahanadaasi.