Dowlada Sweden oo dhaqaalo ugu deeqday Soomaalida ku sugan dalka Ethiopia

0
329

Dowlada Sweden ayaa dhaqaalo ugu deeqday dowlada Ethiopia si wax loogu qabtay dadka Soomaaliyeed ee nool dalkaasi Ethiopia, sida lagu sheegay kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Dhaqaalaha loogu deeqay dowlada Ethiopia ayaa gaareysa 16 milyan oo doolar si gargaar raashiin loogu sameeyo dadka ay saameeyeen abaaro ku dhiftay dalka Ethiopia.

Dhaqaalahaasi ayaa loo sii marsiin doonaa hayada cunnada aduunka ee WFP si ay gargaar ugu dhigto dadka abaaraha ay saameeyeen, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowlada Sweden.

1.5 milyan oo kamid ah dhaqaalahaasi ayaa gargaar loogu qaban doonaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool dhulka Soomaalida Ethiopia oo abaarta ay saameysay waxaana ugu badan in nafaqo celin loogu sameeyo caruur badan.

Masuuliyiin dowlada Sweden u hadlay ayaa sheegay iney sii socon doonaan taageerada ay siinayaan dowlada Ethiopia iyo shacabka Soomaaliyeed ee jooga gobolka ismaamulka Soomaalida.