Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in la joojiyo Dagaalka Gobolka Mudug

0
289

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay maamullada Puntland iyo Galmudug in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda u dhaxeysa, waxa uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka xuntay colaaddaasi, isla markaana waxa ay ugu baaqeysaa dhinacyadaasi in ay u turaan dadka maatida ah ee deegaanka ku dhaqan.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa sheegay in Madaxweyneyaasha Puntland iyo Gal-mudug dowladdu u jeedineyso in ay isugu yimaadaan miiska wada hadalka, wax walbana lagu dhameeyo qaab siyaasadeed oo aan ka gudbeyn sharciga dalka u yaalla.

Wasiirka Arrimaha Gudaha isaga oo ku hadlaya magaca guud ahaan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxa  uu tacsi u dirayaa dhammaan dadkii ku dhintay dagaalladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxa uuna ku adkeeyey in ay u hoggaansamaan baaqa nabadda.