Faah-faahin Ka sobaxeyso Dagaal Manta Muqdsho ka dhacay Maanta

0
285

Ugu yaraan 11 Qof ayaa ku dhimatay in kabadan 15 kalena wey ku dhaawacmeen kadib markii Ciidamo la sheegay in ay ka wada tirsan yihiin Milatariga Soomaaliya  ay ku dagaalameen Jaamacaddii hore ee Gaheyr Ee Degmada Hodan.

Dagaalka ayaan la ogeyn Sababta ka danbeysa dhicitaankiisa,iyadoo Wararka qaar ay sheegayaan in Ciidamadu ay isku Af-dhaafeen Bixinta Macawino loo qeybinayay Qoysas Barakacayaal ah.

Dadka dhintay iyo kuwa Dhaawacmay ayaa u badan Dad Shacab ah oo Rasaastu ay haleeshay,waxaan sidoo kale ku jira Dhinacyadii Dagaalamay.

Goobjooge ku sugan Halka  uu Dagaalku ka dhacay ayaa Radio hiranweyn u sheegay inuu Arkay Dhimashada 6 Qof oo Halmeel wada Yaalla.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka wali kama hadlin Dagaalka maanta ka dhacay Magaalada Muqidsho gaar ahaan Jaamacaddii hore ee Gaheyr.

Hayeeshee Magaalada Muqdisho kuma Cusba in Ciidamo ka wada tirsan Dowlada Soomaaliya ay ku dhex dagaalamaan,Dagaalkaas oo geeystay Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac leh oo Dadka Shacabka ah soo gaara.