Faah-Faahin Kasoo Baxeyso Dagaal Saka Ka Qarxay Magaalada Gaalkacyo

1
393

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo  Magaalada Gaalkacyo  Ee Xarunta Gobolka Mudug oo Saaka uu ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa sheegaya in Xaaladu ay hadda dagan tahay oo Dagaalkii uu Qaboobay.

Mid kamid ah dadka ku Ganacsada Suuqa Magaalada Gaalkacyo oo la hadlay Warbahinta ayaa sheegay in Dagaalka Saaka ay ku dhaawacmeen ilaa 4 Qof,iyadoo mid kalena uu ku dhintay.

Xaaladda ayaa dagan,iyadoo Dhinacyadii ku dagaalamay Saaka Magaalada ay Is hor fadhiyaan oo markasta la filan karo Dagaal.

Shacabkii ku noolaa Magaalada Gaalkacyo ee ka soo kala jeeday Puntland iyo Galmudug ayaa Magaalada Iskaga Barakacay,iyagoo Naftooda ula baxsaday degaanada Nabdoon.

Magaalada ayaa Maalmihii ugu danbeyay waxaa ay u Ekeeyd mid Colaadeed,iyadoo Ciidamo kala Taabacsan Labada Dhinac Magaalada ay Buux dhaafiyeen.

Comments are closed.