Galmudug oo Maxaabiis ku Wareejisay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

0
342

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ku Wareejiyay 6 Ruux oo ka soo jeeda Degaanada Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland,kuwaas oo Galmudug ay Maxaabiis ahaan u haysay.

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Munaasabad ka dhacday Koofurta Gaalkacyo ayaa sheegay in Maamulkiisa uu diyaar u yahay wax Walba oo lagu Xalinayo Colaada Gobolka Mudug islamarkaana ay qaadanayaan Waa-waanta Dowladda Federaalka ay wado.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Afar Qodob oo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu soo jeediyay in ay Galmudug qaadatay.

Dhanka  kale Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Maamulada Galmudug iyo Puntland uu ka Saxiixayo Heshiis Nabadeed oo Gobolka Mudug lagu wada noolaado.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale Kulamo la qaadan Doona Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland oo iyaguna  ku sugan Magaalada Gaalkacyo.