Guddoomiyaha Al-shabaab Ee Sh.Hoose oo la sheegay in la dilay

0
412

Sida ay ku waramayso wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysa saraakiil ka tirsan dawlada Soomaaliya iyo dad degaanka illaa 5 sargaal oo ka tirsanaa Xarakadda Al-Shabab in lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo habeen ka hor ka dhacay tuuladda Baladul Amiin oo hoos tagta degmada Wanla- Weyn  ee gobolka Sh/Hoose.

Sargaal ay wakaaladda wararka wararka Reuters magaciisa ku sheegtay Major C/qaadir Axmed oo booliska Soomaaliya ka tirsan ayaa sheegay in xogta ay ka heleen degaanka la duqeeyay ay sheegayso in duqeynta dadka ku geeriyooday uu ku jiro gudoomiyaha Al-Shabab ee G/Sh/hoose Sh, Max’ed Abu C/lla.

Sargaalkaas waxaa uu sheegay in warkaas ay u xaqiijiyeen dad degaanka ku sugan.

Qof kale oo ka mid ah dadka degen tuuladda Baladul Amiin oo magaciisa la yiraahdo Aadan Axmed ayaa asna sheegay in dhawaqa gantaalo ay maqleen hase ahaatee aysan khasaaraha  cadeyn Karin.

Ma jiro warar madax banaan arrintaan cadeynaya ama beeninaya Al-Shababna willi kama aysan hadlin