Gudoomiyaha Jaaliyada reer Hiiraan ee Dalka Holland Oo Baaq Nabadeed U Direy Shacabka Gobolka Hiiraan!!

0
291

Gudoomiyaha Jaaliyada reer Hiiraan ee dalka Holland ayaa waxaa uu baaq nabadeed uu u direy Shacabka ku nool gobolka Hiiraan si loo qaboojiyo xiisad ka soo cusboonaatey gobolkaas ka dib dilkii loo geystey sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu dilay magaalada Baledweyne.

Gudoomiyaha Jaaliyada reer Hiiraan ee dalka Holland Dr. Mustaf Cali Cabdulle oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu baaq nabadeed uu u direy dadka ku nool gobolka Hiiraan in si nabad ah xal looga gaaro shaqaaqo ka dhalatey dil dhawaantaan loogu geystay magaalada Baladweyne sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay gaar ahaana qeybta Miino Baarista oo lagu magacaabi jirey Mahdi Xusseen Shiiqaal, Dilka Sarkaalkaas ka dib ayaa maleeshiyaad ay isku beel yihiin waxay bilaabeen dhaqdhaqaaq ciidan ayagoona dalbday in lagu soo wareejiyo cidii ka dambeysay dilka Sarkaalaas oo la sheegay inay dileen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada.

Ugu dambeyntiina iyadoo Gudoomiyaha Jaaliyada reer Hiiraan ee dalka Holland Dr. Mustaf Cali Cabdulle uu baaqaas nabadeed uu direy ayaa hadana waxaa kale oo uu ka codsaday masuuliyiinta iyo waxgaradka ku nool magaalada Baledweyne in cidii ka dambeysay falkii lagu dilay Sarkaalkaas sharciga la horkeeno islamarkaana laga fogaado wax walba oo horseedi karo colaad iyo iska horimaad kale, Tan iyo markii la dilay Sarkaalkaas ka tirsan Qaramada Midoobay islamarkaana ay ka dhaltey xiisad colaadeed ayaa waxaa jirey dadaalo uu hormuud ka ahaa Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo ay weheliyaan odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan kuwaas oo dadaal ugu jirey deminta xiisadaas colaadeed.