Koox Burcad Badeed Soomaali ah oo lagu Dilay Degmada Xarardheere

0
556

Wararka nagasoo gaaraya degmada xarardhere ayaa sheegaya in xeebta dagmadaas lagu dillay kooxo burcad-baded ah oo halkaas afduub ugu haystay doon.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ilaa 8 ka mid ah Kooxda Burcad Badeeda Soomaalida lagu dilay Xeebta Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug,kuwaas oo la sheegay in halkaa ay Afduub ugu haysteen Dooni laga leeyahay Wadanka Iiraan.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya cida dishay 8 ruux oo burcada ah, wararka qaar ayaa sheegaya in shaqaalaha doontu ay dileen kooxda haysatay kadib marki ay inta badan seexdeen.

Hayeeshee Warar kale ayaa sheegaya  in Markab dagaal uu dilay kooxda burcada ah,kaas oo ku sugnaa Xeebta Degmada.

Wali Wax Faah-faahin intaa dheer laga mahayo Doonta iyo Xaaladii ugu danbeysay intaba.