Maamulka Galmudug oo sheegay in lagu raad joogo Dadkii Dilay Odayaal Dhaqameedka

0
358

Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey oo maanta Shir jiraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG u ah Maamulka Galmudug ayaa Cambaareeyay Weerarkii Shalay lagu Dilay Odayaal Dhaqameedka ee ka dhacay Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud.

Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey ayaa Xusay in Maamulka Galmudug uu ku raad joogo Dadkii ka danbeeyay Dilka Odayaashaasi lagu dilay Duleedka Balanbal islamarkaana Maamulku uu ku rajo weyn yahay in Gacanta lagu soo dhigi doono,

“Ciidamada Maamulka Galmudug ee ku sugan Gobolka Galgaduud oo kaashanaya Shacabka Gobolka waxaa ay ku dadaali doonaan in ay Gacanta ku soo dhigaan Dadkii Falkaasi Dilka ah u geeysay Odayaasha Maslaxada ka shaqeynayay”ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Galmudug.

Shalay ayey aheyd markii Dableey Hubeysan ay Duleedka Degmada Balanbal ku dileen Saddex Ruux oo labo ka mid ah ay yihiin Odayaal Dhaqameed.