Maamulka Galmudug Oo Shirkadaha Duulimaadka Kaga Digay Iney……

0
535

Maamulka Galmudug ayaa ku amartay diyaaradaha inay ka soo degaan garoonka diyaaradaha OSHACA, kaasoo dhowaan laga hirgeliyay duuleedka koofureed magaalada Galkacyo.

Garoonkan loogu magac daray OSHACA ayaa ah mid gaar u ah Galmudug, waxaana uu daboolayaa baahidii maamulkaas uu u qabay garoon diyaaradeed, maadaama horay Mas’uuliyiintooda ay uga soo degi jireen garoonka diyaaradaha waqooyiga Galkacyo ee ay maamusho Puntland.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Duuliska Hawada ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa digniin loogu jeediyay diyaaradaha ka shaqeeya deegaanada Galmudug inay duulimaad ka sameeyaan garoonka diyaaradaha cusub ee OSHACA ee magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka Gaadiidka cirka iyo duulista Hawada C/kariin Macalin Axmed ayaa sheegay diyaaradii aan duulimaad ka sameynin garoonka OSHACA ee Gaalkacyo kana howl-gasha deegaanada Galmudug ay gabi ahaanba kala laaban doonaan ruqsada shaqo oo ay kaga shaqeyso deegaanada Galmudug isla markaana laga mamnuuci doono Hawada Galmudug.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid jawaab u ah amar horay uga soo baxay Puntland oo ahaa diyaaradaha ay ruqsada siisay inay ka soo degi karin garoonka diyaaradaha ee Galmudug, waxaana dhowaan ay ruqsada kala laabatay diyaarad k degtay garoonka OSHACA, taasoo u kireysneyd Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.