maamulka g/galbeyd oo sheegey in uu heer gabo gabo ah marayo dhismaha baarlamanka maamulkaasi

0
282

Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka K/galbeed Soomaaliya C/raxmaan Ibraahim Aadan oo La hadlay warbaahinta  ayaa ka warbixiyay Howlihii ugu muhiimsanaa ee u qabsoomay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Wasiirka Arimaha Gudaha maamulka K/Galbeed Soomaaliya in howlaha muhiimsan ee maalmihii u danbeeyay u qabsoomay ay ka mid yihiin in si wanaagsan Baydhab loogu soo gabagabeeyay Shirkii Wadatashiga Qaran ee looga hadlayay aragti uruurinta Shacabka K/galbeed ee Hanaanka Doorasho sanadka 2016-ka,17-ka bishan Ciidamo Boolis ah tababar loogu soo xiray magaalada Baydhabo kuwaasi oo qeyb ka qaadanaya sugida amniga deegaanada maamulka iyo waliba iney ka hortagaan falalka amaanka Lidiga ku ah.

Wasiir C/raxmaan Ibraahin Aadan oo sii hadlayay ayaa xusay in todobaadkii la soo dhaafay magaalada Baydhabo laga dareemayay mashquul aad badan oo ku aadan soo dhaweynta mas’uuliyiin heer gudaha iyo kuwo heer caalami oo siyaabooyinka kala duwan magaaladaasii tagay.

Waxaana ka mid ah Mas’uuliyiinta todobaadkii la soo dhaafay gaaray magaalada Baydhabo Wafdi uu hogaaminayo Kuxigeenka Wakiilka arimaha Xuquuqul insaanka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay,Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo ra’iisal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo oo dhamaantooda magaalada Baydhabo u tagay sidii maamulka K/galbeed looga gacan siin lahaa arimo badan oo ku saabsan hormarka & hore usocodka maamulkaasi.

Sidoo kale,Wasiirka arimaha gudaha Maamulka K/Galbeed Soomaaliya C/raxmaan Ibraahim Aadan ayaa soo hadal qaaday halka ay mareyso soo xulista xubnaha Baarlamaanka maamulka oo ah arinta kaliya ee hada laga dhowrayo Shariif Xasan Sheikh oo ah madaxweynaha maamulka K/galbeed Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Wasiirka in guud ahaan murankii hortaagnaa dhismaha Baarlamaanka la soo afkaray,islamaraakana hada la marayo meeshii ugu danbeysay,waxana la sugana kaliya ay tahay sidii loo soo dhameystiri lahaa uguna dhawaaqo lahaa maadaxweynaha maamulka K/galbeed Soomaaliya Shariif Xasan.

Qaar ka mid ah Beelaha dega Seddex Gobolka ee uu ka kooban yahay K/galbeed ayaa mudo ka biyo diidanaa hanaanka ay u socoto howlaha Xulista Baarlamaanka ayna jirto cadaaladaro lagu dheehay Qorshaha loo soo xulay.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa horay ugu baaqday maamulka K/galbeed Soomaaliya inuu soo dedejiyo soo Xulista Baarlamaanka si loo dhameystiro maamulka oo u bilaabo u adeegida Shacabka mas’uuliyada ka saaran.