Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Ka Hadlay Howlgal Lagu Dilay Sarkaal Ka Tirsan Al-shabaab

0
303

Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ka warbixiyay Howlgal ka dhacay deegaanka Halgan ee ka tirsan Gobolkaasi,kaasi oo lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo dhanka Sakawaadka u qaabilsanaa.

Gudoomiye ku-xigeenka siyaasada iyo amniga maamulka Gobolka Hiiraan Max’ed Ibraahim C/laahi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baladweyne ayaa sheegay in ciidanka maamulka G/Hiiraan ay ku guuleysteen iney dilaan Sarkaal Al-shabaab oo mudo badan ay baadi goobayeen,isagoo hadadlkiisa intaasi ku daray in Sarkaalka la dilay Shabaab u qaabilsanaa dhanka uruurinta Sakawaadka,sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga iyo Siyaasada maamulka Gobolka Hiiraan ayaa hoosta ka xariiqay in Howlgalka lagu dilay Sarkaalka ka tirsanaa Al-shabaab uu dhacay habeen ka hor,wuxuuna tilmaamnay in Howlgalka ay fuliyeen ciidan si gaar ah loo tababaray.

Wuxuu sheegay in ujeedka maamulka Gobolka Hiiraan uu ahaa in ka hor sanadka 2016-ka Al-shabaab laga saaro deegaanada gacantooda ku harsan ee ka tirsan Gobolkaasi,balse wuxuu carabka ku adkeeyay in arintaasi aysan suurta galin sababo la xiriira roobabkii ka da’ay gobolka oo Biyo dhigay wadooyinkii la mari lahaa sidaasina hakad uu ku galay Howlgalkii ka dhanka ahaa Al-shabaab.,sida uu yiri gudoomiye Max’ed Ibraahim C/laahi.

Ururka Al-shabaab ayaa maamula deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan,waxaana dhanka kale jira deegaano iyo degmooyin muhiim ahaa oo horay looga saaray.

Sidoo kale,Al-shabaab ayaa markii deegaano badan laga qabsaday waxay go’doon geliyeen degmooyinka qaar,taasi oo adkeysay xaalada bini-adanimo ee dadweynaha deegaanadaasi ku dhaqan.