Maamulka Jubba Land Oo Sheegay Iney Canshuur Bixiyaan Ajaaniibta Ka Howlgala Deegaanadeeda

0
316

Madaxweynaha maamulka Jubba Land Axmed Max’ed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulan magaalada Kismaayo kula qaatay madaxda Hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala deegaanada maamulkaasi.

Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiinta Hay’adaha caalamiga ee ka Howlgala Jubba Land ayaa ka wada hadlay arimo ay ka mid yihiin sidii wax la isaga weydiin lahaa waxyaabihii ay Hay’adahaasi ka qabteen Jubba Land iyo waliba Hay’adaha caalami iney is-diiwaan geliyaan.

Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose mudane C/rashiid C/llaahi Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay muhiimada kulanka madaxweynaha maamulka Jubba Land iyo madaxda Hay’adaha caalamiga,wuxuuna sheegay in kulankooda diirada ay ku saareen sidii la isagala shaqeyn lahaa wax u qabadka maamulka iyo Shacabka deegaanadaasi iyo in si dhab ah loo ogaado wax qabadka Hay’adaha caalamiga ee ka Howlgala Jubba Land.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Land Axmed Madoobe uu ku amaanay Hay’adaha ka howlgala deegaanada uu ka aramiyo wax qabadkooda muuqda,isagoo ugu baaqay iney sii laba jibaaraan howsha u adeegida Shacabka iyo gacanta siinta maamulka Curdunka ah.

Hay’ado badan oo caalami ayaa ka howlgala Jubba Land,kuwaasi oo halkaasi ka haya shaqooyin kala duwan,islamarkaana Shacabka iyo maamulka Jubba Land dan weyn ugu jirto.