Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa goor dhoweyd ka soo baxay

0
318

war saxaafadeed loogaga hadlayo dagaalkii maanta dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo, iyadoo ku eedeysay Ciidamada Galmudug inay weerarka soo qaadeen.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dagaalka Gaalkacyo uu bilowday, xilli Puntland ay u ambabixineysay wafdigii Ra’iisul Wasaaraha hogaaminayay oo socdaal nabadeed ku tagi lahaa Gaalkacyo, balse abaarihii 8-da subaxnimo ay weerar ku soo qaadeen Ciidamada Galmudug.

Puntland ayaa ku eedeysay inay dagaalkii maanta ku lug lahaa ciidamo dowladda federaalka ka tirsan oo lagu tababarayo Gobolka Galgaduud, sida lagu yiri war saxaafadeedka.

Hadaba war saxaafadeedka halkan hoose ka akhriso:-