Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdi uu hogaaminayo oo goor dhow gaaray Garowe .

0
363

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe) ayaa goor dhow gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland, halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen Madaxweynaha Puntland, kuxigeenkiisa, iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Kuxigeenkiisa C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, wasiiro iyo saraakiil ciidan.

Ujeedka safarka Mas’uuliyiintan ayaa ah sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaalada nabadeed ee lagu hakinayo colaada Gaalkacyo ee u dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inay ku biiraan waan waanta ka socota Gaalkacyo, sidii loo soo afjari lahaa dagaalada iyo xiisadaha wali ka jira magaalada.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa xulufo ku ah dhinaca siyaasada, iyadoo goor dhow la filayo in aqalka Madaxtooyada Garowe ay shir jaraa’id oo wada jir ah ku qabtaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Dowladda Federaalka ayaa dadaal ugu jirta xalinta colaada Gaalkacyo, waxaana wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ay waan waan ka dhex wadaan labada dhinac, waxaana wasiirka iyo wafdigiisa xalay gaareen magaalada Gaalkacyo