Madaxweynaha Ruushka Iyo Mareykanka Oo Kulan Xasaasi Ah Yeeshay

0
342

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Brack Obama iyo dhigiisa dalka Ruushka Vladamir Putin, ayaa kulan gaar ah waxa ay ku yeesheen Dalka Turkiga halkaas uu ka socday Shir Madaxdeedka dalalka horay maray ee G-20.

Labada Madaxweyne ayaa kulanooda diirada ku saaray Xaalada Dalka Siiriya iyo la dagaalanka Kooxda Daacish , waxa ayna isku afgarteen labada Madaxweyne in la iska kaashado la dagaalanka iyo duqeynta lala beegsanayo Kooxda Daacish.

Obama ayaa ka codsaday dhigiisa Ruushka in Duqeymaha dalkaasi ka wadaan Diyaaradaha Dagaalka Ruushka si gaar ah diirada loogu saaro Xoogaga Daacish xarumaha ay ku leeyihiin qeybo kamid ah Dalka Siiriya.

Hogaamiyaasha Caalamka gaar ahaan kuwa ka qeyb galaya Shirka G-20 ee ka dhacay Dalka Turkiga ayaa diirada waxa ay kulankooda ku sarayeen xaalada dalka Siiriya iyo sidii loo bur burin lahaa kooxda Daacish ay tilmamaeen in ay yihiin qatar Caalamka kusoo korortay.