Mareykanka Oo Sheegay in Xayiraado Uu Kusoo Rogayo Saraakiil u Dhashay Dalka Burundi

0
249

Dowladda Mareykanka ayaa sheegay inay kusoo rogayso xayiraado Afar ka mid ah Mas’uuliyiinta Burundi, kuwaasoo ay ku jiraan Xubno horay xilal uga soo qabtay xukuumadda; waxaana dhamaan lala xiriiriyay Qalalaasaha ka taagan dalkaas.

Afarta mas’uul ee laga xayiri doono fiisaha iyo hantida ayaa waxay kala yihiin; wasiirka amniga iyo dadweynaha, agaasime ku xigeenka booliiska dalka Burundi, agaasimihii hore ee sirdoonka iyo weliba wasiirkii hore ee difaaca.

Mareykanka ayaa waxay sheegeen in xaaladda ka jirta dalka Burundi ay tahay mid aad khatar u ah, isla markaana ay ka dhacaan dilal qorsheysan, xarig iyo weliba jir-dil ay ku kacaan hay’adaha ammaanka Burundi.

Rabshadaha ka jira dalka Burundi ayaa billowday markii madaxweynaha dalkaas, Pierre Nkurunziza’s uu ku dhawaaqay inuu mar saddexaad hoggaanka dalkaas u tartamayo, taasoo keentay inay mucaaradku diidaan, iyadoo rabshadaha taagan ay ku dhinteen 240-qof tan iyo bishii Abriil ee sannadkan.

Sidoo kale, dagaallada ka dhacaya magaalada Bujumbura ee xarunta Burundi yaa sare u sii kacaya, iyadoo maalin walba maydadka dadka la dilo laga helo waddooyinka waaweyn ee magaaladaas.

“Xaaladaha khatarta ah ee ka tagan dalka Burundi iyo dhibaatooyinka ay sida joogtada ah u geysanayaan mas’uuliyiinta xukuumadda waxay dalkaas oo dhan ku keeneen cabsi iyo argagax, waxayna tani sii xumeyn kartaa xaaladda hadda ka taagan Burundi,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Aqalka Cad.

Hadalka dowladda Mareykanka kasoo yeeray ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Qaramada Midoobay ay dhawaan sheegtay inay ciidammo u dirayso dalka Burundi, haddii xiisaduhu ay kasii daraan.