Nicholas Kay “Haddii hubka waaweyn loo adeegsado shacabka Gaalkacyo, waa dembi dagaal”

0
287

Amb. Nicholas Kay, ayaa War Saxaafadeed uu soo saaray waxa uu kaga hadlay dagaalada ka soo cusboonaday Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wakiilka Qaramada Midoobe U Qaabilsan Arrimaha Somaliya, ayaa wuxuu sheegay in uu ka xun yahay dagaalada ku soo kordhay Magaalada Gaalkacyo, isagoona walaac ka muujiyay dadka guryahooda laga barakaciyay.

Wakiilka, ayaa wuxuu cadeeyay haddii hubka culus loo adeegsaday bulshada reer Gaalkacyo, uu dagaalkaasi noqon karo dembi dagaal, Cadaaladana lala tiigsan karo kuwa ka dambeeya.

“Haddii hubka waaweyn loo adeegsado shacabka Gaalkacyo, waa dembi dagaal, in madaafiic lala dhaco dadka rayidka, waa dembi dagaal, Maxkamad ayaana la soo taaggi karaa kuwa ka masuulka ah.” Ayuu yiri Wakiilka.

Nicholas Kay, ayaa ugu baaqay dhinacyada ku loolomaaya Magaalada Gaalkacyo in ay dagaalka joojiyaan, lana soo celiyo rayidkii ka cararay guryahooda.

“Waxaan ugu baaqayaa Madaxda in ay joojiyaan colaadaha ay ka hurinayaan Magaalada Gaalkacyo, dibna loo soo celiyo shacabkii ka barakacay guryahooda.” Ayuu yiri Nicholas Kay.

Culima’udiinka & Odayaasha Dhaqanka, ayaa Warbaahinta baaq u marinaaya Maamulada Galmudug & Puntland, si loo joojiyo dagaalka, loogana wada hadlo waxa leesku haayo.