Putin oo sheegay in Cawaaqib-xumo ay ka dhalan doonto Diyaaraddii Turkigu uu soo riday Maanta

0
328

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadii Milateriga Turkiga ku soo riday diyaaradii dagaal ee Ruushka laga lahaa.

Vladamir Putin ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta diyaaradooda dagaal ee lagu soo riday Suuriya.

Madaxweyne Putin ayaa ku tilmaamay weerarka Milateriga Turkiga ku soo riday diyaaradooda mid dhabar jebin ah oo dhiira gelineysa Argagixisada.

Waxaa uu ka digay xiriirka Turkiga iyo Ruushka, waxaana uu xusay in diyaaradooda ay soo riday diyaarad kale oo si toos ah hawada ay gantaal kaga soo tuurtay.

Mr Putin ayaa meesha ka saaray inay ku xadgudbeen dhulka Turkiga, isagoo xusay in xilliga diyaaradooda la soo ridayay ay afar KM u jirtay xuduuda Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergie Lavroc ayaa baajiyay safar uu ku tagi lahaa Turkiga, maalinta berri oo arbaco ah.

Sidoo kale waxaa uu kula taliyay dhamaan dadka Ruushka in aysan tagu Turkiga, iyadoo uga imaan karta qatar argagixiso oo la mid ah tii Masar oo kale.

Turkiga ayaa ka dalbaday Isbaheysiga NATO inay isugu yimaadaan kulan deg deg ah oo ku saabsan dhacdada lagu soo riday Diyaarada Ruushka.

Milateriga Turkiga ayaa sheegay in diyaarada Ruushka ay ku soo xadgudbeen Hawada Turkiga, isla markaana dhowr jeer digniino la siiyay duuliyaha diyaarada.

Vladimir Putin