Qaramada midoobey oo ergey cusub u magacawday Soomaaliya

0
324

Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon ayaa Michael Keating u magacaabay in uu noqdo u qaabilsanaha QM ee arimaha Somalia isaga oo bedeli doona Nicholas Kay oo shaqadiisu ay ku egtahay dhamaadka sanadkan.

Ban Ki-moon ayaa ergeygii hore ee QM Nicholas Kay ku amaanay shaqadii adkeyd ee uu ka qabtay Somalia muddadii uu xilka hayay, waxana uu ku tilmaamay hogaamiye wax badan ka bedelay siyaasadda Somalia.

Ergeyga cusub ee QM Michael Keating ayaa u dhashay dalka ingiriiska, waxa uuna ka soo shaqeeyay wadamo badan oo uu khibrad u leeyahay xallinta arima ka taagan dalalka aan xasilooneyn.

Magacaabistiisa ayaa timid xilli muddooyinkii dambe ergeygii hore ee QM Nicholas Kay uu kulamo macsalaameyn ah la qaadanayo madaxda Soomaalida kuwaas oo u sameenaya xaflad sagootin ah.