Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka oo Baaq u diray Puntland iyo Galmudug

0
293

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa ka hadlay dagaalkii Shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,waxaana uu sheegay in Xukumadda Soomaaliya ay ka xuntahay Dagaalkaasi.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukumadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay Maamulada dariska ah ee Puntland iyo Galmudug in waxii la kala tabanayo ay ku xaliyaan Miiska wada hadalka.

“Dowladda Soomaaliya aad iyo ad ayey uga xun tahay Dagaalka ka dhacay Magaalada Gaalkacyo Dadkii ku dhintay Allah ha u naxariisto inta Dhaawaca ahna Allah ha bogsiiyo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukumadda Soomaaliya.