Ra’iisul Wasaarihii hore Ee Norway oo Muqdisho gaaray

0
308

Ra’iisul wasaarihii hore ee Norway Kjell  Magne Bondevik  ayaa maanta  gaaray Magaalada Muqdisho,waxaana uu Kulan la qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Wadanka  Norway ayaa ka wada hadlay Arrimo ay ka mid yihiin sidii Mashaariic hormarineed ay Dowladda Narway uga fulin laheyd Soomaaliya iyo sidoo kale in Dowladda Norway ay Taageeri doonto Dadka ay saameeyeen Fatahaada wabiyada Jubba iyo Shabelle ee mara Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee Norway ayaa kulan la qaadan doona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,kaas oo kala hadli doona Arrimo ay ka mid yihiin Mashaariic Hormarineed oo Norway ay ka fulin doonto Soomaaliya.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Norway Kjell  Magne Bondevik   ayaa hadda ah Madaxa Hay’adda Oslo Center  oo ka shaqeysa Arrimo ay ka mid yihiin Hormarinta Mashaariicda.