Saacada Geeska Africa ee uu bilaaban doono Kulanka Ethiopia iyo Soomaaliya

0
398

Waxaa Maanta ladheeli doonaa Kulan katirsan Koobka bariga iyo Bartamaha Africa kaas oo u dhaxeeya dalka Marti gelinaya Sanadkaan ee Ethiopia iyo Cayaaryahanada Matalaya Soomaaliya Waxaana Cayaartaas ay sitoos ah u bilaaban doonaa Saacada Muqdisho Marka ay tahay 5-00 Galabnimo.

Cayaartoyada Ku Cayaraysa Magaca Soomaaliya ayaa Kulankii koowaad ee ay dheeleen Waxaa looga badiyey 4-0 Waxaana garaacday Tanzania iyada oo Natiijada laga filan karaa Kulanka Galabta uu yahay Rajo aad u liidata Maadaama lala dheelayo dalka Marti gelinaya ee Ethiopia.

Waxaa kamqnaan doona Xulka matalaya Soomaaliya Cayaaryahanaka Weerarka ka dheela ee Jibriil Xasan Fariid kaas oo ku dhaawacmay kulankii Tanzania Markii uu Jilibka dhaawac kasoo Gaaray waxaana Jibriil uu yahay Xidigii ugu fiicnaa Cayaaryahanada ku dheelaya Magaca Soomaaliya ee kaqayb gelaya Koobka bariga bartamaha Africa.

Soomaali fara badan ayaa aad uga Niyad jabsan qaabka ay u dheelaan Cida matasha Soomaaliya Kulan walba oo ay dheelaana laga badiyo waxaana Lays weydiinayaa cida dantu ugu Jirto Guuldarooyinkaan isdaba Jooga ah ee soo laa laabanaya Wxaana inta Jecel Guulaha ee Soomaalida ah ay kutaliyaan in lajoojiyo kaqayb galka Cayaaraha hadiiba xitaa ugu yaraan aan bareejo lakeeni karayn.

Kulankii ugu dambeeyey ee labada wadan ayaa lawada xasuustaa in Soomaaliya laga dhaliyey Goolal aad u badan oo 5-0 lagu Garaacay dalkena isreeb reebkii koobka aduunka ee Sanadkii 2014 kii lagu qabtay Braziil.

 

xulka_Somalia_KEYDMEDIA-620x330