Shacabka Gaalkacyo Bilaabay In Ay Barakacaan Kadib Dagaalka Kasocda Galkacyo

0
300

wararka aynu ka heleyno magaalada gaal kacyo gaar ahaan koofurta magalada gaalkacyo oo ah halka dirirtu ay ka socoto ayaa sheegaya in dadkii lagu dul dagaalamay ay bilaabeen in ay isaga barakacaan guryahooda iyagoo u cararaya xaafadaha kale ee aayney xabadu gaarin

khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka lama xaqiijin karo maadaama aan gudaha loo geli karin halka la,isku heysto ama xabaddu ay ka socoto

warar ay heleyso hiiraanweyn.net ayaa sheegaya in ay jiraan dad rayid ah oo ay wiiftadu guryahooda ugu tagtay kuwaas oo dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen waxana lasoo warinayaa in lagu dabiibayo isbitaalada gaalkacyo

dagaalka ayaa waxaa sababay dhismaha wado laami ah oo lagu wado in laga dhiso gudaha gaalkacyo taas oo ay isku qabteen labo beelood oo wada daga gaalkacyo waqooyiga iyo koon furta taasna ay sababtay in xiisadu ay isku badashay puntland iyo galmudug waxii ku soo kordha xiisadaasi waxaad kala socon doontaan wararkeena xiga in sha allah