Soomaaliland oo Madaxweynaha Jabuuti ka Dalbatay Dhex dhexaadinta Soomaaliya iyo Soomaaliland

0
357

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maamulka Soomaaliland  Dr Sacad Cali Shire oo maanta Shir Jiraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa ka hadlay Socdaaluu ku tagay Magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyada Jabuuti.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Cismaaciil Cumar Geelle ay Soomaaliland ka Codsatay inuu dhex dhexeediyo Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland si loo soo celiyo wada hadaladii burburay ee labada Dhinac.

“Wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland dani uguma jirto kaliya Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland ee waxaa ay dani ugu jirtaa dhamaan Wadama Gobolka,sida Kenya,Itoobiya Jabuuti”ayuu yiri Wasiir Sacad.

Wada hadalka Somaliland  iyo Soomaaliya ayaa horaantii sanadkan burburay iyagoo marayay wajigii 8-aad oo la filayay in masiirka labada wadan laga wada hadlo, balse Somaliland ayaa ka baxday wada  hadalka kadib markii Dolwadda Soomaaliya  ay shirkii ugu danbeeyay u dirtay Wasiiro ka soo jeeda Waqooyiga Soomaaliya,Soomaalilandna ay sheegtay in aysan la fariisan doonin Wasiiraddaasi.