Uhuru Kenyata Oo Shegay In Ciidamadiisa ay Joogayaan Soomaaliya”

0
359

Uhuru Kenyatta Madaxweynaha dalka Kenya ayaa daafacay ciidamadiisa kaga sugan Soomaaliya kana qeyb qaadanaya howlgalka AMISOM waxana uu diiday ku luglahaanshiyaha ciidamada Kenya tahriibinta dhuxusha iyo sokorta.

Barta Kenya FM ee wararka Kenya oo soo xiganaysa Hadalka Kenyatta ayaa sheegay in amniga ay ku naalonayso Kenya uu u laabanayo waxa ay cidankooda ka qabanayaan gudaha Soomaliya.

Kenyatta waxa uu hadalkiisa intaa ku daray in dhamaantooda ay garab taagan yihiin ciidamadooda ka jooga gudaha dalka,waxa uu yiri “waxa ay habeen iyo maalin u shaqeenayaan sidii ay anaga aan amni ugu seexan lahayn waxaad aragteen wixii ka dhacay dalka Faransiiska oo dad badan lagu dilay boqolaalna lagu dhaawacay.

Waxa uu Kenyatta isweydiiyay in ay u ogolaadaan waxa uu ugu yeeray argagexisada in ay wada noolaadan,waxa uu sidoo kale yiri “ma waxaad doonaysaan in ciidamadeeni kala baxno meel a dhibaato inooga imaanayso ma ahan midaasi wax dhici kara.