Waa Kuwee Shanta Ciyaartoy Ee Da’yarta Ah Ee Mustaqbalka Ugu Fiican Ku Leh Kubbada Cagtu? Cristiano Ronaldo Ayaa Soo Doortay Shnta Da’yar Ee Mustaqbalka Ugu Fiican Leh

0
494

Ronaldo ayaa shanta ciyaartoy u arka in ay yihiin kuwa ugu heerka sareeya da’yarta kubbada cagta, waxayna xidigahani amaan ku helaan qaab ciyaareedkii ay xili ciyaareedkii hore ku soo bandhigeen kooxahooda.

Xidiga kooxda Barcelona ee Neymar ayaa xili ciyaareedkii hore qayb libaax ka qaatay in ay Barcelona ku guulaysato Champions Leaque-ga, La ligaha iyo waliba Copa Del Rey, halka Pual Pogba uu kooxda Juventus ka caawiyay in ay laba koob oo horyaalka Talyaanigu uu ka mid yahay ay ku guulaysato isla markaana ay finalkii Champions Leaque-ga ay soo gaadhay.Neymar and Pogba

Dhinaca kale Eden Hazard oo xili ciyaareedkii hore ku guulaysatay xidigii horyaalka Ingiriiska ugu fiicnaa ayaa Blues ka caawiyay in ay horyaalka Ingiriiska ku guulaysato isla markaana wuxuu door wayn ku lahaa guulo badan oo ay kooxda Chelsea gaadhay.Eden Hazard

Xidiga Manchester United ee Mamphis Depay ayaa maan ku helay in uu xili ciyaareedkii hore 22 gool ka dhaliyay goolka dalka Holland, wuxuuna kooxdiisii hore ee PSV Eindhoven ka caawiyay in ay soo gabagabaysay afar sanadood oo ay kooxda Ajax si xidhiidh ay ugu guulaysatay horyaalka Holland ee Eredivisie.Depay

Inkasta oo aanu wali wax qabad badan ku soo badhigin Martin Odegaard ayaa la aaminsan yahay in uu ka mid yahay da’yarta Yurub ugu fiican, waana sabab uu Ronaldo da’yarka kooxdiisa uu ku soo xushay. Odegaard ayaa bishii Janaayo ku soo biiray kooxda Madrid balse wali waxa uu sugayaa waqtigiisa.Odegaard

Ronaldo oo la hadlayay BT Sport ayaa yidhi: “Waxaad arkaysaa ciyaartoy badan oo awoodleh, tusaale ahaan waxaan sheegi karaan Odegaard oo ka tirsan Real Madrid, wali waa 16 sano jir kaliya, laakiin waxaad arki kartaa in uu ciyaartoy aad ufiican yahay”.

Ronaldo oo ka sidoo kale tusaale u soo qaadanaya Hazard,Depay, Pogba iyo Neymar ayaa yidhi: “Tusaale ahaan Hazard, number 7-ka Manchester United ee Depay waa ciyaartoy sidoo klae fiican.Pogba iyo laga yaabee Neymar”. Ronaldo ayaan si cad u sheegin In Neymar uu yahay mid ka mid ah da’yarta aduunka ugu fiican wuxuuna sheegay in laga yaabo in Neymar uu ka mid yahay da’yarta ugu fiican.