Wafdi Kasocda Dowlada Soomaaliya Oo Lagu Wado In ay Gordhaw Soo Gaaran B/weyne

0
316

Magaalada B/weyne ee xarunta Gobalka hiiraan aya  lagu wadaa in ay soo gaaraan gordhaw wafdi kasocda dowlada soomaaliya oo ka kooban xumna ka socda wasaarada Amniga maxkamada Ciidamada iyo xumna kale sida ay hiiraanweyn usheegen saraakiil katirsan wasaarada amniga.

Xumnaha Wafdiga ayaa ka kooban Guddi baaritaan ku sameeya oo ka kooban 7-xubnood, kuwaasoo isugu jira Booliska, Hey’adda Dambi baarista CID, Nabadsugida iyo labo kuxigeen oo ka tirsan xafiiska Xeer Ilaalinta.

Gudiga ay soo magacaawday wasaarada amniga qaranka ee Xukumada Somaliya ayaa baaritan ku sameynaya  Dil dhawaan B/weyne loogu geestay sargaal lagu magacaabo Mahdi xuseen shiiqaal oo ka tirsanaa Hey’adda Mine Action waxana dilka sargaalkaasi la sheegat inuu gestay mid ka mid ah Ilaalada Guddoomiyaha Gobolka  Hiiraan.

Dhacdadii dhawaan ka dhacday Degmada Baledweyne ayaa sababtay in Maleeshiyaad fara badan oo ku heyb ah Sarkaalkii maalin ka hor lagu dilay Beledweyne  ay  soo buuxiyaan taa oo qal qalgalisay xaalada amaan ee magaalada.